gedomedia.net

Qarax maanta ka dhacay xerada Dhagaxley
Mid ka mid ah askarta booliska Kenya ayaa ku dhintay, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay xerada Dhagaxley ee deegaanka Dhadhaab.

Miinada ayaa ku qaraxday gaari ay wateen ciidamada booliska oo xilligaas waardiyo u ahaa shaqaale ka tirsan Hay’adda UNCHR.

Taliyaha booliska Waqooyi Bari Kenya, Leo Nyongesa ayaa sheegay inay baaritaan wadaan, mana jirto cid ay ilaa hadda u qabteen qaraxaas.

Dhaawaca askarta ayaa la geeyay cisbitalka guud ee magaalada Garrisa.

Xerooyinka Dhadhaab ayaa ammaan xumi ka jirtay tan iyo markii ay ciidamada Kenya ka tallaabeen soohdinta Kenya si ay ula dagaalamaan Xarakada Alshabab.

Bayaan rasmi ah oo qoraal ah
Annaga oo ah odayaasha  hoos ku qoran waxaan aragnay  maqaalo ku qoran  website-ka Gedoweb, oo dhaliilayo rag ka tirsan qurbajoota Beesha Mareexaan Sade oo la sheegay in ay ka qaybgalayaan shirarka Muqdisho ka socdaa nooc kastaa ha ahaadeene iyo qaylo dhaan la oranayaa Mareexaan ayay khilaaf ku abuurayaan IWM.

Ragaasi maqaalada qorayay waxaan ka xusi karnaa Magacyadooda  Suldaan Gurey Xaji Farax iyo Dr. Xassan Bulle Faliir,maxumo in la is dhaliilo haseyeeshee is dhaliilida waxaa haboon in ay  wax saxayso amase  ku salaysan tahay waaqica dhabta ah,ee aysan caadhifad ku habaysnaan.

Runtii  Mareexaan Sade hada waqtigaan ma lahan  madax dhaqameed la isku raacsan yahay, sida Ugaas,Garaad,Suldaan ,Boqor,ee qofkastaa wixii uu rabaa ayuu sheegtaa runtana waa sidaas, maxaayeelay ilaa nus qarni ama 55 Sanno oo lasoo dhaafay ma jiro Mareexaan shiray oo ku heshiiyay cidee ku haboon ee aan u dooranaa Madax dhaqameed 1-2-3-4-iyo wax  ka badan midna waana inta uu tarmay Mareexaan sida Beelaha Soomaaliyeed oo kale oo Beel kastaa ay leedahay 20-30-40.IWM

Mitaal  Mareexaanka  badanaa waxay ka helaan in ay qoraan  magaca Sade oo la fac ah Kablalax , meeqaa Madax dhaqameed ee ay leeyihiin  bal iswidiiya shirkaan Muqdisho hada ka socdo Kablalax meeqaa madax dhaqameed ee uga qaybgashay waa tusaale qofkii wax garan karaa.

Hadii aan u soo degno Mahamed Ugaas  Xaashi Ugaas Xirsi iyo Raga la socdaa ama Qurbajoog ha ahaadeen amase Tuula Joog ha ahaadeen, iyo Momahed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi iyo Raga la socdaa amase Qurbajoog ha ahaadeen amase Tuula joog ha ahaadeen, runtii LABADABA  AABAYAASHOOD WALAALE  AYAY AHAYEEN WAA UGAAS XAASHI IYO UGAAS CUMAR WAA ILMO UGAAS XIRSI, Heseyeeshee waxaa  run ah in midoona Mareexan Sade u kulmi ee uusan dooranin,qofkii wax kale sheego  waa hadal Runta ka fog. Maxaayeelay Mareexaan sababahaan awgeed

1.Mareexan waa dad badan  tusaale gobolka Gedo wuxuu ka degaa ilaa 12 degmo sida  degmada Luuq, degmada Gedweyne, degmada Dolow, degmada Balad Xawo, degmada Dhamasa, degmada  Ceel Waaq, degmada Ceel Cade, degmada Gariley, degmada Baardheere, degmada Buurdhuubo, degmada Raysqode iyo degmada Magaala madaxda gobolka Garbahaarey.

Waxaa kale ee Mareexaan degaan iyo degmooyinka gobolka Juba Hoose oo dhan iyo degmooyinka gobolka Juba Dhexe oo dhan.

Runtii Mareexaanka intaasi degaan iyo meela kale oo badan 98% kama qaybgalin meel lagu dooranayo Mahamed Ugaas Xaashi iyo Mahamed Ugaas Cumar midna HADALKA RUNTA WAA SIDAAS qofkastaa ee Mareexaan ahna waa ogyahay.

Hadaan been la sheegin waaxa jiray Mohamed Ugaas Cumar meel Garbahareey aan ka dheereen uu  dad yar oo meeshaa deganaa ayuu u yeeray oo I doorta uu yiri dhamaadkii sanadkii hore ee 2O11, sidaas oo kale  Mohamed Ugaas Xaashi  tuulada Malkaariyey oo u dhow  Balad Xawo ayuu dad meesha joogay u yeeray oo i doorta uu yiri. Runta waa Sidaas ee xaqiiqda  hala aado

hadii la rabo in midnamada Mareexaan laga shaqeeyo waa in waqti ku haboon shir guud loo qabtaa Mareexaanka degan meelaha aan soo tilmaanay oo dhan.markaasna wax lagu midaysan yahay la doortaa oo madax dhaqameeyo ah mid laba sadax IWM ee dadka inta badan ay isku raacaan ,annaga waxaan qabnaa madax dhaqameedyada la badiyaa sida Kablalax oo kale, midaan hada shirka socdaa waxay uga qaybgaleen  Harti  21 madax dhaqameed, Absame 13 madax dhameed, mana qabno in qof qudha ah la doortaa sidii aayad Qur’aan ahna aan laga hadli karin.

Waxaa intaasi dheer hadii qofkastaa u qabaa in uusan u baahnayn in uu cidle la tashadaa, hadana uu qabaa in magaca Mareexaan uu sheegtaa taasi ayaa dhibaata waana been abuur, qof kastaana wixii uu rabaa ayuu sheegani doonaa, mar dhow waxaad arki doonaa kuwa sheeganayo Boqarka Mareexaan Sade, Suldaanka Mareexaan Sade, Ugaaska Mareexaan Sade ,Garaadka Mareexan Sade  IWM.

Sidaas darteed annaga waxaan qabnaa raga Muqdisho aaday yaan la baciidsan lagu yaabin mar hadii la waayay muwaafaqo, qofkii xilraadsanayo iyo lacag raadsanayo yaan la baciidsan lana dhaliilin ama Qurbajoota ha ahaadeen amase Tuula joogta ahaadeen.

Gabagabadii  waxaan la socod siinaynaa qolada shirka abaabulaysa in aysan jirin Mareexaan shiray oo dad u soo dirsay ka qaybgalka  shirkaasi ee qofkastaa danihiisa ayuu Muqdisho u soo aaday runtu waa sidaas in kastaa ee waqtigaan aanan runta la danaynin.

Qorayaasha Bayaankan:

1.	Mr. Ismaaciil Ali Diraac (Ismaaciil Gadgadoon)

2.	Mr.Abdullahi Hagi Hassan  (Abdullahi Bushkin)

3.	Mr.Mohamuud Xayd Osmaan

4.	Dr. Abdiwahab Sheek Aden

Nairobi      12.5.2012

Madaxa Al-Qaacida oo Al-Shabaab ugu baaqay inay dagaalka sii wadaan
Hoggaamiyaha Al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri oo Internet-ka soo diray cajalad Video ah ayaa ugu baaqay ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama inay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah ciidamada kasoo horjeeda.

Al-Zawahiri oo fariintiisa cinwaan uga “Libaaxyada Soomaaliyeedow la dagaallama Caruurta Abii Riqaal” ayaa ugu baaqay Al-Shabaab inay badasho xeelada dagaalka isla markaana ay jabhadayso.

“Haka welwelina duqenta Mareykanka, waayo horay ayuu ugu guuldarreystay duqeymihii uu ka geystay dalalka Vietnam, Ciraaq iyo Afgaanistaan, midda Soomaaliyana wuu ku  guuldarreysanayaan.”ayuu yiri Al-Zawahiri.

Hoggaamiyaha ayaa intaa raaciyay in wadamada Reer Galbeedka ay Soomaaliya marin habaaninayaan ayna wadaan shirar ay ugu magic dareen dib u heshiisiin.

Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay ka hortagaan shirarka nabada ee ka dhacay Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horaantii sanadkan si buuxda ugu biirtay Shabakada Al-Qaacida.

Iska hor imaadyo ka dhacay gobolada Baay iyo Bakool
Iska hor imaadyo culus oo u dhexeeya Xarakada Alshabab iyo ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa shalay galinkii dambe ilaa xalay ka dhacay qeybo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool

Dagaalka oo bilowday shalay galinkii dambe shalay ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ilaa 10 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamayay, waxaana uu qarxay kaddib markii ay ciidamada isbahaysanaya ku duuleen deegaan qiyaastii 20 KM u jira degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Bakool ayaa ku sheegay dagaalka inuu ahaa mid ay uga hortagayaan Xarakada Alshabab, isla markaana ay ka dileen 10 dagaalyahan halka 2 kale ay noolal uga qabteen.

Xarakada Alshabab ayaa sheegtay inay iska caabisay weerarkaas ayna gaadiid dagaal ka gubtay ciidamada Itoobiya.

Wararka xoogooda ayaa sheegaya in Alshabab ay ku sugan tahay goobtii shalay lagu dagaalamay.

Dhanka kale, dagaalyahannada Alshabab ayaa jidka u galay ciidamo Itoobiyaan ah uu marayay inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Bardaale ee Gobolka Baay.

Dagaal xalay ka dhacay Baladweyne
Dagaal aad u culus ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday xaafadda Howl wadaag ee magaalada Baladweyne, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ay weerar arbushaad ah soo qaadeen Xoogaga Alshabab.

Duqeyn xoogan ayaa bar bar socotay dagaalka, waxaana ay madaafiicda loo yaqaano fooriyaha kazoo dhacayeen fariisimaha ay ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin duleedka magaalada.

Sarkaal u hadlay maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Alshabab ay weerarka soo qaadeen ayna dib u carareen markii khasaare xoogan la gaarsiiyay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaalkii xalay ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca Baladweyne, tan iyo markii Alshabab laga qabsaday dhamaadkii sannadkii tagay.

Xaalada Baladweyne ayaa saaka degan, waxaana jira baaritaanno ay wadaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

Kulanka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliya oo saaka lagu wado inuu Muqdisho ka furmo
Kulanka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliya oo lagu soo xuli doona guddiga ansixinta Dastuurka iyo guddiga xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu saaka ka furmo Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye.

Shirka oo soconayo muddo 9 maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galaya 135 Oday Dhaqameed oo ka kala yimid gobollada dalka ee aysan Alshabab ka talin.

Wasiiru dowlaha wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in maanta si rasmi ah u fumi doono shirka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyed ayna khudbado ka jeedin doonaan madaxda dowladda KMG ah.

Ergada shirka uga qaybgalays maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa soo gaaray Muqdisho.

Ammaanka xarunta shirka iyo agagaarkeeda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamo farabadan oo ku sugan goobta shirka ka dhacayo.

Odoyaasha Dhaqanka ayaa ka dodi doona qaabka loo soo xulaya 825-ka xubnood ee ansixin doona Dastuurka cusub isla markaana soo dooran doona xubnaha beel waliba uga qaybgalaya baarlamaanka cusub.

Dagaalyahanno Ahlu Sunna ah oo qaarajisay laba nin oo loo qabtay qaraxii Dhuusa Mareeb
Dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa xalay toogasho ku dilay laba nin oo loo haystay inay gacan ka geysteen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Talaadaddii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb.

Wararka ka imanaya Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna ay xabsiga kala baxeen labada nin isla markaana dileen.

Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlu Sunna Maxamed Yusuuf Xeefoow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka labada ruux.

“Dilkaas waa jiraa, balse ma ahayn laba qof oo lagu xukumay inay dambigaas lug ku lahaayeen, kuwii geystayna waa lala xisaabtamayaa,”ayuu yiri Xeefow.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa ku dhintay laba xildhibaan oo ka mid ahaa mudanayaal iyo siyaasiyiin degmadaas u joogay wadahadal ku aadanaa sidii gobollada dhexe looga sameyn lahaa maamul lagu mideysan yahay.

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay toban ruux.

Xarakada Alshabab ayaa sheegatay inay ka dambeysay qaraxaas, isla markaana ay ku fashilisay qorshe lagu kala qeybin lahaa shacabka ku dhaqan gobolada dhexe.

Al-Shabaab: Augustine Mahiga ayaa Soomaaliya Madaxweyne u ah
Xarakada Al-Shabaab ayaa ku tilmaamtay ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga inuu yahay ninka u taliya Soomaaliya siyaasad ahaan.

Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir Maxamed Xasan Cumar (Abu Cabdiraxmaan) oo waraysi siiyay Idaacada ku hadasha afka Xarakada ee Andulus ayaa sheegay in Danjire Mahiga uu yahay shakhsiga ay ka go’do siyaasada Soomaaliya.

“Mahiga madaxweyne ayuu ka yahay Soomaaliya, waayo Dastuurkii ayuu u soo dhiibay, nimankii diiday wuu u hanjabay, marka waxaa muuqatana qolana sidii boombalo camal ugu ciyaarayo, qolana uu wax u sheeg shegayo,”ayuu yiri Abu Cabdiraxman.

War saxaafadeed si wada jir ah uga soo baxay Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo IGAD ayaa loogaga digay shakhsiyaad hortaagan geedi socodka Soomaaliya inay ka waantoobaan, hadii kale cunaqabateyn lagu soo rogayo.

Abuu Cabdiraxman ayaa dhanka kale sheegay in AMISOM ay ku guul daraysatay duulaankeedii isla markaana ay Soomaaliya ka baxsanayaan hoggaamiyayaasha ciidanka AMISOM, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku geeriyooday
Allaha u naxariistee Axmed Aadan Cismaan, Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Yemen ayaa xalay ku geeriyooday Cisbital ku yaala magaalada Sanca.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen, Xuseen Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyay geerida danjiraha, waxaana uu sheegay in muddo dheer uu la il darnaa xanuunka ka helay beerka.

Marxuum Axmed ayaa danjire ahaan uga shaqeeyay intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka Shiinaha, Jarmalka iyo dalal kale, waxaana xilkan loo magacaabay dhammaadkii sannadkii 1988-kii.

Marxuumka ayaa ifka uga tagay xaas iyo lix caruur ah, waxaana qaar kamid ah caruurtiisa ay ku nool yihiin dalka Canada.

Ilaa iyo hadda lama sheegin halka lagu aasayo marxuumka, waxaana qunsulka uu sheegay in eheladiisa ay go’aan ka gaarayaan goobta lagu aasayo.

Xarakada Al-Shabaab oo hawada ka saartay Idaacada Markabley ee degmada Baardheere
Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka la wareegtay Idaacada Markabley ee ka howlgasha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

“Saaka aroortii inaga oo isu diyaarinayna jadwal maalmeedka shaqo ayaa waxaa noo soo galay ciidamo badan oo ka tirsan Al-Shabaab, qasab ayna nooga saareen Studio-ga Idaacada.”ayuu yiri shaqaale ka tirsan Idaacada.

Ciidamada la wareegay Idaacada ayaa la sheegay inuu hor kacayay Bare Qooje oo ka tirsan saraakiisha Al-Shabaab ee Baardheere ku sugan.

Maamulka Idaacada Markabley ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan sababta keentay in lala wareego Idaacada, mana jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay arrintan.

Idaacada Markabley oo ahayd mid madax banaan ayaa si wanaagsan uga howgali jirtay Baardheere, waxaana hawa ka bixinta saaka la sheegay inay ka timid xafiiska warfaafinta ee Al-Shabaab.